Madaxweynaha oo farageliyay khilaaf u dhaxeeyay laba Wasiir: aaway doorkii RW?

Madaxweynaha oo farageliyay khilaaf u dhaxeeyay laba Wasiir: aaway doorkii RW?

daajis.com:-  Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo fara geliyay khilaaf u dhaxeeyay laba wasaarood oo ka mida wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo isku heystay arrinta maalgashiga dalka, kadib markii khilaafkaasi uu xalin waayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo guddi u saaray khilaafkan.

Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Cabdi Cusmaan iyo wasiirka arrimaha dibadda ayaa arintooda Ra’iisal wasaaraha guddi wasiiro ah  u saaray, kuwaasoo meel saari waayay ilaa uu ka soo farageliyo madaxweyne Xasan Sheekh oo si cad ugu sheegay wasaaradda Ganacsiga inaysan wax shaqo ah ku lahayn arrinta maalgelinta oo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda, sidaasina sharciga maalgashiga ay Baarlamaanka geyn doonto Wasaaarada arrimaha dibadda.

Ra’iisal wasaare ayaa u muuqda mid caajis ah oo golihiisa wasiirada aan kala go’aamin kara, isagoo la sheegay inuu ka gaabsado go’aan uu ka qaato arrimaha xasaasiga ah.



Tani waxay keentay in madaxweynaha gacanta la soo galo xukuumadda oo marna guddoomiyo shirarka golaha wasiirada, marar kalena kala saaro is qabashada wasiirada.

Goobjoog FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada