daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa caawa abate 8:00 iyo rubac kasoo delay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo dhalasho ahaan uu kasoo jeedo, waxaana garoonka diyaaraddaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya Joma Kenyatta, kuxigeenkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo eheladiisa.
Markii uu ka dagay madaxweyne Obama ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddibna waxa uu halkaasi ku saxiixay buugga booqashada madaxda ee Kenya soo booqday.
ku dhawaad toban kun oo saraakiil boolis ah ayaa magaalada la soo dhigay, iyadoo wadooyinka waaweyn ee magaalada la xiray, waxaana hawada ilaalinayay diyaaradaha militeriga Mareykanka.
Obama, oo aabihii Kenyan ahaa, ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee talada haya ee booqda dalka, waxayna warbaahinta gudaha ku tilmaameen safarka madaxweynaha inuu yahay mid uu gurigiisa ku yimid.
Obama ayaa la filaya inuu ka hadlo tallaabooyinka dhaqaalaha lagu kobcinayo iyo sida waxa looga qaban karo kooxda Alshabaab, kuwaasi oo boqolaal rayid ah dhawaan ku dilay halkaasi.
Amaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ka qeyb qaadanaya ciidamo Mareykankan ah, iyadoo diyaaradaha qumaatiga u kaca ay dul heehaabayaan hawala Nairobi, sidoo kale hoteelada waaweyn ayaa waxaa amaankooda la wareegay ciidamo Mareykan ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:38 and have




