Daawo : Xasan Sheekh Maxamuud Oo Afka Furtay Arimo Badan Oo Kaga Cadhaysiisayay Puntlandna Ku Dhawaaqay

Daawo : Xasan Sheekh Maxamuud Oo Afka Furtay Arimo Badan Oo Kaga Cadhaysiisayay Puntlandna Ku Dhawaaqay

daajis.com:- Munaasabadda Caleema saarka madaxweyanaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo ka socota Magaalada Cadaado ayaa qeybta hore ee Khudbadaha la soo gaba gabeeyay.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa ka sheekeeyay dadaaladii lagu soo dhisay maamulkani oo uu sheegay in mudo badan ay qaadatay dhisidiisa, waxaana uu ugu baaqay Ahlusuna in ay ku soo biiraan maamulkani isagoo ku ammaanay sida dhiigooda ay ugu soo hureen goboladani, waxaana uu xusay in diyaar ay u yihiin in Ahlusunna ay ka daweeyaan wax walbo ay tirsanayaan ayna la fariistaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay Maamulada dhismaya aysan saameyn ku yeelan doonin maamul horey u jiray, Wuxuuna sheegay inaan Punltand duulaan lagu ahayn, waxaana uu tilmaamay Dowladda Soomaaliya in ay ku mashquulsantahay Xasilinta iyo dib u dhiska dalka, Wuxuuna sheegay in maamulka Galmudug dhankooda aan lagu Garab istaagi doonin colaad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada