Dowlada Shiinaha oo shaacisay tirada kaga waxyeelowday weerarkii Hoteel Jazeera

Dowlada Shiinaha oo shaacisay tirada kaga waxyeelowday weerarkii Hoteel Jazeera

daajis.com:- War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibadda Shiinaha Mr Lu Kang ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jazeera ay kamid noqdeen diblumaasiyiin ka tirsanaa Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi uu Safaarada kaga dhintay madaxii ilaalada Safaaradda, halka dhaawac uu kasoo gaaray 3 kale oo ka howlgali jirtay Safaarada.

Safaaradda Shiinaha ayaa ka mid ah labo Safaaradood oo Degaan ku ahaa Hoteel Jazeera, waxaana dhaawacyada iyo meydka Sargaalkaasi ahaa madaxa ilaalada Safaarada la dhigay Isbitaalka weyn ee ku yaalla xarunta Xalane.

Dowlada Shiinaha ayaa Sanadkii tagay ka furta Magaalada Muqdisho Safaaradooda kadib Burburkii Dowladdii dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, Dadka halkaas ku dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan Muwaadiniin Kenyaan ah oo diblomaasiyiin ahaa kuwaasi oo kamid ahaa howlwadeenada Safaarada inkastoo aan weli la shaacin tiradooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada