Hadliye: “Weey adagtahay in laga hortago weerarada Al-shabaab”

Hadliye: “Weey adagtahay in laga hortago weerarada Al-shabaab”

daajis.com:- Dowladda Somalia ayaa xilliaan sheegaysa inay tahay arin adag ka hortagida weerarada Ururka Al Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibada Somalia C/salaam Cumar Hadliye ayaa u sheegay Warbaahinta qof doonaayo inuu isqarxiyo oo uu laayo dadka shacabka ah inay tahay arin aanan sinaba looga hortagi Karin.

Wuxuu ku waramayaa Wasiirka in Dowladda Somalia ay ku tilaabsatay horumaro kala duwan oo dhanka ammaanka iyo xiriirka caalamka ah, balse dhibaatada soo gaareysa shacabka Somaliyed ay aad uga xun yihiin oo ay ka damqanayaan.


“Qofka aroortii soo toosa ee ku tashta inuu dhinto, inta ay dadka dili karayaan ay dilaan boqolkiiba boqol wey adag tahay sida looga difaaco Hudheelada dadka oo dhan u furan Isbitaalada sida looga difaaco wey adag tahay Masaajidka lagu tukanaayo Salaada Jimcaha sida looga difaaco wey adag tahay Somalia oo dhana kuma adkee aduunka dhan ayeey ku adag tahay.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somalia oo la hadlay Idaacada VOA.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa sheegaysa in laamaha amniga Dowladda Somalia ay aad u gaabiyeen shaqadooda, maadaama loo baahnaa inay ka hortagaan weerarada noocaan oo kale ah.

Al Shabaab ayaa ku hanjabaya inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada