AC Milan Oo Diyaar U Ah Inay Mustaqbalka Mario Balotelli Bad Baadiso.

AC Milan Oo Diyaar U Ah Inay Mustaqbalka Mario Balotelli Bad Baadiso.

daajis.com:- Kooxda AC Milan ayaa si lama filaan ah shaaca kaga qaaday inay wada hadalo la yeelatay Flop-ka kooxda Liverpool Mario Balotelli.

Weeraryahankan awooda badan koox heshiis la gaarto ayuu waayay madaama kooxdiisa Liverpool u sheegtay inuu fasaxan yahay.

Haatan gudoomiye ku xigaanka Milan Adriano Galliani ayaa isku xil qaaday inuu mustaqbalka Super Mario bad baadiyo wuxuuna doonayaa inuu dhawaan xidigan garoonka San Serio dib ugu soo celiyo.

Sidoo kale macalinka AC Milan Sinisa Mihajlovic ayaa aqabalay in Balotelli uu kooxdiisa kusoo biiro wuxuuna diyaar u yahay inuu fursadii ugu dambeesay siiyo.

c

Milan waxay aad u dooneesay Zlatan Ibrahimovic balse xidigan mushaaraadkiisa ma bixin karto sidaa darteed Balotelli ay qaab amaah ah kooxda Liverpool kaga qaadan doontaa.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah uu Super Mario tijaabo caafimaad Milan u mari doono.

Sidoo kalena kooxda Liverpool kala bar mushaarka Balotelli iyada ayaa bixin doonto madaama Milan qaab amaah ah ku qaadan doonto weeraryahankan awooda badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada