daajis.com:- Arsenal ayaa marti sooreysa kooxda Liverpool caawa waana kulanka ugu dambeeya kulamada horyaalka Ingiriiska Isbuuciisa sadexaad ee xagaagan.
Liverpool waxey raadineysaa guusheedii sadexaad iyo iney noqoto kooxda kaliya ee hogaanka la wadaagta Manchester City, halka Arsenal ay raadineyso iney gaarto guushii labaad ee xagaagan isla markaana ay madaa sare usoo qaado.
Ogow in guriga caawa lagu ciyaarayo uu yahay kii Liverpool lagu xasuuqay bilooyin ka hor kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska kaas oo kusoo idlaaday 4-1.
Reds wali shabaqeeda lama taaban waxeyna heshay laba guuldaro oo min (1-0) ah, halka Arsenal ay guuldaro ku bilowday xagaagan, inkastoo ay Crystal Palace si dirqi ah kaga badisay kulankii dambe.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Liverpool
Tartanka: Premier League (Isbuuciisa Sadexaad)
Garoonka: Emirates Stadium
Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Africa)
Garsoore: Michael Olivier
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Arsenal ma jiro xidig dhawan ka dhawaacmay kaliya waxaa ka maqnaan doona Jack Wilshere, Danny Welbeck iyo Rosicky kuwaas oo aan safan xagaagan.
Dhanka kale kabtan Jordan Henderson ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro kulankaan kaas oo jug ay soo gaartay kulankii ugu dambeeyay, sidoo kalana waxaa ka maqnaan doona Allen, Sturridge iyo Falanagan.
XAQIIQADA KULANKAAN:
Arsenal kaliya hal kulan ayey guuldaro kala kulantay Liverpool todobadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska (4 Guul, 2, Barbardha iyo 1 guldaro).
Kaliya Manchester United ayaa ka badan Arsenal guuldarooyinka lagu dhufto Liverpool waxeyna United ka adkaatay Reds (21) jeer halka Gunners ay ka adkaatay (16-jeer).
Olivier Giroud kulankaan hadii uu safto waxey u noqoneysaa kiisii 100-aad, wuxuuna dhaliyay 42-gool, waana xidiga afaraad ee ugu goolasha badan xidigaha Arsenal soo maray (100-ka kulan ee ugu horeeya) Henry (59) Ian Wright (56) iyo Adebayor (44).
Liverpool labadii kulan ee lasoo dhaafay kooxaha kasoo horjeeda kaliya waxey u ogolaatay sadex kubad oo goolka ay aadiyeen mana jirto koox sidaas sameesay.
Martin Skrtel sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo uu ka hor yimaado Arsenal wuxuu ka dhaliyay laba gool, waana kooxda labaad oo uu goolasha ugu badan ka dhaliyay Man City ayaa ka horeysa oo uu ka dhaliyay (3-gool).
Kulanka Liverpool iyo Arsenal dhexmara waa kulanka ugu badan ee la iska dhaliyo sadexleyda taariikhda horyaalka (5) sadexley ayaana la iska dhaliyay.
Michael Olivier aya garsooraya kulankaan kaas oo garsoray sadexdi kulan ee ugu dambeysay labadaan kooxood (Laba ka mid ah), sidoo kalana 11-kulan oo uu garsooray kulamada Arsenal kaliya 2- ayey badisay 5- waalaga badiyay.
Liverpool afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaarto habeenka isniinta wey wada badisay iyadoo 3-ka mid ah aan shabaqeeda lasoo taaban.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal: Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Coquelin, Ramsey, Cazorla, Ozil, Sanchez; Giroud
Liverpool: Mignolet; Clyne, Lovren, Skrtel, Gomez; Can, Milner, Coutinho, Lallana, Ibe; Benteke
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have

