XOG: Raaskambooni Iyo Al Shabaab Keebaa Ah Argagixiso? Dooda Maanta Ugu Culus Ee Ka Dhex Taagan Shacabka Kismaayo.

XOG: Raaskambooni Iyo Al Shabaab Keebaa Ah Argagixiso? Dooda Maanta Ugu Culus Ee Ka Dhex Taagan Shacabka Kismaayo.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya ilo wareedkeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay seegayaan i maanta ay ka taagnayd magaalada Kismaayo dood culus oo u dhexeeysa dadka shacabka ah ee dagan magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dooda alku digeedu ahaa Raaskambooni Iyo Al Shabaab Keebaa Ah Argagixiso? ay gaartay meel aad u culus kadib markii dadka shacabka ahaa intooda badan ay isku raaceen in Al Raaskambooni ay dhashay Al Shabaab, Al Shabaabna ay dhashay Raaskambooni ayna yihiin wiil iyo waalidkiis taas oo uu inoogu micneeyay Ilo wareedkeena in ay uun ku kala duwan yihiin oo qura in Horjoogeyaasha Raaskambooni ay u dhoofi karaan dalalka Caalmka, halka Horjoogeyaasha Al Shabaabna aysan dhoofi karin, sidoo kale inay ka siman yihiin Dowlad iyo Nabad diidnimada.

Dhinaca kale Ilo wareedkeena ayaa waxa uu sheegay in shacabka magaalada Kismaayo ay si cad u qeexayeen maanta in Raaskambooni iyo Al Shabaab marka loo eego tacadiyada ay u geesanayaan shacabka inaysan waxba ku kala duwaneen marka la eego habka dhaqankooda sida dilalka, qaraxyada, Dowlad, Nabad iyo Nolol diidnimada.


Isku soo wada duuboo waa abid markii ugu horeeysay oo ay shacabka magaalada Kismaayo ka doodaan waxa ka socda magaaladooda, waloow dooda ay u dhexeeysay dad isyaqaan oo meelo gaar gaar u fadhiyay oo kaliya, suuragalna aysan ahayn in shacabku meel dadka oo dhan joogaan uga hadlaan arimaha noocan oo kale xaaladaha amaankooda awgood.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada