Al Shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Tuulo ku Taal Xadka Dalka Kenya

Al Shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Tuulo ku Taal Xadka Dalka Kenya

daajis.com:- Dagaalyahano hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Deegaanka Garille Ee ku yaal Gobolka Gedo, Deegaankani ayaa waxa uu u dhow yahay xuduuda Kenya.

Ciidankani ayaa weeraray fariisimo ay Ciidamada Dowladdu ku lee yihiin Deegaankaasi. Dagaalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay, ayaa waxaa kooxihii weerarka soo qaaday ayaa waxaa u suurta gashay inay mudo kooban la wareegan gacan ku haynta deegaanka Garille.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in weerarkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidanka Dowladda ee aaggaasi, Gaashaanle Cabdi Xuseen Ibraahim (Xawaadlow).

Dadka Deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Shabaabku ay dab qabadsiiyen saddex ka mid ah gaadiidka Ciidamada Dowladda, xilli ay ku qabsadeen weerarka ay ku galeen Garille.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada