Daawo:- Meydka Wiil 14 Jir Soomaali ah oo laga helay goob aan laga fileyn iyo shaki ka jira sababta dhimashadiisa

Daawo:- Meydka Wiil 14 Jir Soomaali ah oo laga helay goob aan laga fileyn iyo shaki ka jira sababta dhimashadiisa

daajis.com:- Meydka wiil yar oo Soomaali 14 jir ah ayaa shalay (Arbaco) galankii dambe laga helay goob biyo mareen wabi ah oo ay ku taalo xarun Quwadda tamarta laga dhaliyo magaalada Strömsnäsbruk Gobolka Kronoberg Ee Dalka Sweden .

Wiilkan yar ee meydkiisa la helay ayaa raacdadiisa lagu jiray tan iyo maalintii axadii abaaro 6dii fiidnimo la sheegay inuu Caano u doonay Dukaan wax badan ka fogeyn gorigooda .

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in baadhitaan lagu sameynayo waxa sababay geerida wiilka, laakiin illaa iyo hadda ayna jirin cid lagu tuhmayo wax denbi ah oo la xidhiidha waayitaanka la waayey wiilkan.

Warbaahinta Sweden oo wax ka weydiisay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Strömsnäsbruk ee uu daganaa wiilkan yari ayaa gabi ahaanba sheegay in aad uga xunyihiin , kalana shaqeynayeen tan iyo markii la waayay raadintiisa Ciidanka Booliska.

Meydka Wiilkan yar ayaa loo qaaday cisbitaalka dambi baadhista oo ku yaala Magaalada Lund kaasoo jawaabta baarista soo bandhigi doona maalmahan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada