daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee haatan ah caasimada kumeelgaarka ah maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerareen saldhig uu ku xirnaa Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu Sunna ee Waljamaaca Prof C/laahi XirsiDiirshe Daacad.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida ee ilaalada ka ahayd madaxweyne ku xigeenka Ahlu sunna iyo dableydii soo weerartay ay is rasaaseyn dhex martay.
Hase yeeshee dableydii soo weerartay saldhiga ayaan u suurtogelin inay si xoog ah ugala baxaan Proff Daacad iyagoo la kulmay iska cabin xoog leh.
Lama garanayo illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in askari ka mid ah ciidamada amniga uu ku dhaawacmay. Xaalada ammaanka magaalada Cadaado ayaa degen inkastoo ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka sida ay soo sheegayaan saxafiyiinta ku sugan magaalada.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamul goboleedka Galmudug iyo weliba Maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe.
Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa xariga Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in loo xirey Proffesorka warar lid ku ah maamu goboleedka Galmudug iyo dowlada Federalka oo uu siiyay saxaafada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 08:00 and have

