DAAWO: Mo Farah oo meel saaray orodyahanada Kenya iyo Ethopia !!

DAAWO: Mo Farah oo meel saaray orodyahanada Kenya iyo Ethopia !!

daajis.com:- Oradyahanka Soomaaliyeed balse u orda dalka Uk, Mo Faarax ayaa ku guulaystay biladii ugu horaysay oo dahab ah oo Britain ay ka hesho orodka ciyaaraha adduunka 10,000m ee ka socda magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Mo, ayaa wariyayaasha u sheegay inaysan sahlanayn in lagu ordo qoraxaad u kulul, labaatan iyo toddobo daqiiqo.

Mo Farah ayaa toddobo sano ka hor waxaa uu ka mid noqon waayay orodyahanadii ku tartamaysay garoonka ku yaal magaalada Beijing ee dalka Shiinaha isagoo ku suuxay kuleyl jirey awgii kuna haray wareega koowaad ee tartanka Olombikada ee 5,000m.

Hoose ka Daawo


Wareegii ugu dambeeyay tartanka ayuu Mo Farah oo 32 jir ah waxa uu si xowli ah ku dhaafay orodyahanada reer Kenya ee Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui. Waxana ay noqotay billadan uu ku guuleystey tii 4aad ee tartan caalami ah oo ku guuleysto.

Mo Farah ayaa ku tilmaamay tartankan ugu dambeeyay inuu ahaa mid aad u adag isagoo cabsi xoog leh ka qabay orodyahanada ka soo jeeda Bariga Afrika ee Kenya iyo Ethiopia hase ahaatee wareegii ugu dambeeyay ayuu si xowli ah ku dhaafay orodyahanadaa oo rajo ka qabay in ay arkaan iyagoo gadaal u fiiriya orodyahanka ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse haysta dhalashada dalka Uk.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada