daajis.com:- Waxaa Magaalada Beyrut ee Caasimada wadanka Lubnaan ruxay dibad baxyo rabshada watay ay dhigayeen kumanaan qof oo si weyn uga soo horjeeday qashin buux dhaafiyay jidadka waa weyn ee Magaalada Beyrut.
Dadka dibad baxa dhigayay oo kumanaan qof ahaa ayaa aad uga careesnaa nadaafad darada ka jirta wadooynka Caasimada, waxa ayna dadkan tuurayeen caagadaha biyaha laga cabay iyo alaabo kale oo yar yar.
Ciidamada booliiska ee Magaalada Beyrut, ayaa ka hortgayay dadka dibad baxa dhigayay, waxa ayna ciidamada adeegsanayeen rasaasta cinjirka iyo sunta ilmada dadka ka keenta si ay u kala eryaan dibad baxayaasha.
Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhaawacmay dibad baxan rabshadaha watay ee ka dhacay Caasimada Dalka Lubnaan, waxaana dibad baxan soo abaabulay kooxo kala duwan ay kamid yihiin kooxaha dhanka Internetka ololaha ka sameeya.
Dadka dibad baxa dhigayay ayaa ka codsaday Maamulka Caasimada Beyrut in ay wax ka qabtaan qashinka faraha badan ee tuban wadooyinka Magaaladasai , waxa ayna tilmaameen dibad baxayasaha in qashinkaasi uu wax badan u dhiman bilicda caasimada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have


