Hordhac: Everton vs Man City: Wiilasha Pellegrini Oo Doonaya Iney Hogaanka Kali Ku Noqdaan Maanta

Hordhac: Everton vs Man City: Wiilasha Pellegrini Oo Doonaya Iney Hogaanka Kali Ku Noqdaan Maanta

daajis.com:- Manchester City ayaa raadineysa guusheedii sadexaad oo xiriir ah iyo iney kali ku noqoto hogaanka horyaalka EPL-ka si kumeel gaar ah mudo 24-saacadood ka badan waxaase lasoo dhibco ekaan kara kaliya Liverpool oo habeenka isniinta ah kulan la yeelaneysa Arsenal.

Everton qudhooda guushoodii labaad ayey raadinayaan waxeyna haatan leeyahiin afar dhibcood, balse Goodison Park waxey ku qaabilayaan koox culus.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Everton vs Man City

Tartanka: Premier League (Isbuuca Sadexaad)

Garoonka: Goodison Park

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Africa)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Darron Gibson iyo Laighton Baines ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan, halka Garbutt iyo Galloway midkood la filayo inuu kusoo bilowdo daafaca bidig. John Stones ayaa sidoo kale la filayaa inuu kusoo bilowdo maanta inkastoo si ba’an loola xiriirinayo Chelsea.

Martinez ayaa u wici kara Kevin Mirallas oo dhaawac kasoo toosay, wuxuuna kursiga fadhiyay kulankii Southampton, halka Pienaar iyo Hibbert ay mudo badan garoomada ka maqnaanayaan.

Dhanka kale Pellegrini ayaa la xanuunsanaya dhaawaca Zabaleta balse Sagna ayaa cyaari doona booskiisa, sidoo kalana Mangala ayaa bah wadaag la noqon doona Kompany iyadoo Otamendi uu kooxda kusoo biiray.

Clichy ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kaas oo la filayo inuu dhanka bidix ka badalo Kolarov, halka Delph isna uu soo laabtay balse uu shaki ku jiro.

MA OGTAHAY:

Kooxahaan meel walba waa ka siman yahiin waxey kulmeen 176-kulan, 66 City ayaa guul gaartay, Everton iyana 66, halka 44-kulan ay barbaro galeen.

Everton rikoor fiican ayey ka heysataa City marka ay soo booqato Goodison Park, lixdii kulan ee ugu dambeysay hal jeer ayey guuldaro kala kulantay sidoo kalana 17-kii kulan ee ugu dambeeyay 2-jeer ayey guuldaro ka heshay.

Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan kooxood dhexmara labadaan kooxood wuxuu ku dhamaaday barbaro 1-1, Naismith ayaa gool dhaliyay, balse Fernandinho ayaa ka barbareeyay.

Markii ugu dambeysay oo ay barbaro gool la’aan ah galaan waxey aheyd December 2003, mudo 12-sano ah barbaro gool la’aan ah magalin waxeyna kulmeen 23-kulan.


SHAXDA MACQUULKA AH:

Everton:

Howard; Coleman, Stones, Jagielka, Galloway; Barry, McCarthy; Mirallas, Barkley, Cleverley; Lukaku

Manchester City:

Hart; Sagna, Kompany, Mangala, Kolarov; Yaya Toure, Fernandinho; Navas, Silva, Sterling; Aguero

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada