Taageerayaasha Real Madrid Oo Dal Badeen In Grathe Bale Line Up-ka Kooxda Laga Reebo

Taageerayaasha Real Madrid Oo Dal Badeen In Grathe Bale Line Up-ka Kooxda Laga Reebo

daajis.com:- Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa codkooda ku dhiibteen wargeska Marca waxayna aragti ahaan isku raaceen in xili cayaareedkan Line Up-ka Madrid laga reebo Grathe Bale.

Kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid garoonka Bernabue kula cayaartay naadiga Galatasaray Bale waxaa loo muujiyay naceeb weyn waayo marwalbo ee uu kubada qabsado taageerayaasha Real Madrid ayaa xidigan ku oorinayeen.

Haatana culees weyn ayuu lasii kulmi doonaa xidiga reer Wales madaama taageerayaasha Real Madrid badankooda ay soo jeediyeen in Balse aanan shaxda kowaad ee naadiga macalin Rafeal Benitez lagu darin.

Taageerayaasha Madrid waxay u codeeyeen in Isco uu galo booska Grathe Bale waxayna ku andacoonayaan in Bale uusan marnaba u qalmin inuu ka mid xidigaha todobaad walbo Madrid u cayaaraan xili cayaareedkan.

Fadlan hoos kaga bogo 11-ka xidig oo ay taageerayaasha Real Madrid u doorteen inay xili cayaareedkan joogto kooxda ugu cayaaraan:

Goolhaye: Keylor Navas

Daafaca: Sergio Ramos, Rapheal Varane, Marcelo, Dani Carvajal

Khadka dhexe: Luka Modric, Toni Kroos, Isco

Weerarka: James, Cristiano Ronaldo, Karem Benzema.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada