daajis.com:- Ben Kebede oo ah suxufi u dhashay dalka Itoobiya, ayaa dhowaan warbixin maqal & muuqaal ah ka sameeyey Muqdisho, wuxuuna wareysi la yeeshay shaqsiyaad kala duwan oo Soomaali ah, ayna ku jiraan siyaasiyiin.
Suxufigan, socdaalkiisa Muqdisho waxaa ilaalo ka hayey ciidamo Itoobiyaan ah; wax ruqsad ahna kama qaadan Wasaarada Warfaafinta sida uu sheegay suxufi ka mid ah Idaacadda Qaranka, waxaanna goobaha uu booqday ka mid ahaa dhismihii safaarada Itoobiya ee Muqdisho oo deegaan u ah barakacayaal, iyada oo warbixinta uu Muqdisho ka sameeyey oo ku baxday luqada Amxaariga, ay u muuqatay mid culeyska lagu saaray dhinaca burburka, qaraxyada & dilalka, isla markaana aan looga hadlin horumarka ay shacabka hormuudka ka yihiin ee ay Muqdisho wajaheyso.
Suxufi ka howlgala Idaacada & Taleefishinka Qaranka, oo ka gaabsaday inaan magaciisa xusno ayaa sheegay in wasaarada warfaafinta Soomaaliya, oo howsheedu tahay diiwaangelinta & la socodka wararka ay dalka ka bixinayaan suxufiyiinta ajnabiga ah in ay waajibaadkaas aysan gudan.
Halkaan ka daawo Warbixinta:
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:34 and have









