Kismaayo: Weerar Ismiidaamin ah oo lala eegtay xaruun ciidan from Xiddigta Panorama by Bashka

Kismaayo: Weerar Ismiidaamin ah oo lala eegtay xaruun ciidan from Xiddigta Panorama by Bashka

daajis.com:- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, qarax culus ayaa ka dhacay Xero ku ciidan oo ku taallo Magaalada Kismaayo.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid lagu soo xiray gaari noociisa uu yahay NOHA, kadibna Xerada ay ku dhex qaraxday.

Wararka kale ayaa sheegaya in qaraxa uu yahay Miino lagu aasay Xerada ciidanka Gudaheeda, Xerada waxaa lagu magacaabaa Madhamaato Magaalada Kismaayo ayeey ku taalla.

Xilliga Qaraxa uu dhacaayay ciidamada tababarka u socday ayaa la sheegayaa inay feel ku jireen.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi oo soo gaaray ciidamada Jubbaland ee tababarka u taagnaa.


Saraakiisha Maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inaysan bixin karin wax faah-faahin ah oo ku aadan qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada