daajis.com:- Col C/rashiid Maclin Gaas, oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee Jubbada Hoose ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in Ciidan ka amar-qaata Axmed Madoobe ay Dad Rayid ah ku dileen Duleedka Kismaayo.
Gaas ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ciidanka Axmed Madoobe ay Shalay Gelinkii danbe weerareen Deegaanka 30Km dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Kismaayo, kadibna ay ku dileen 5 Ruux sidoo kalena ay afduubeen 5 kale oo Gabdho ay ku jiraan.
“Maleeshiyo ka amar-qaata Axmed Madoobe ayaa 5 Ruux oo Shacab ah ku diley Jimcihii Deegaanka Duleedka Kismaayo ku yaalla, waxaana Dadkii ay dileen ku jira Wiil 9 Sano Jir iyo Sheekh Caan ah, waxaana ay wateen 5 kale oo 2 Gabdhood ku jiraan, mana la oga halka ay la aadeen illaa hadda,” ayuu yiri C/rashiid Maclin Gaas.
Wuxuu kaloo tilmaamay in Dhacdadan ay timid kadib markii Dadka ku nool ay diideen Amaro uusan sheegin waxay yihiin uu kusoo rogay Maamulka Axmed Madoobe ee ka taliya Kismaayo.
Dadka ku nool Deegaano Iyo Degmooyin ku yaalla Jubbooyinka & Gedo ayaa aad uga cawada Dhibaatooyin ay sheegeen inay u geestaan Ciidanka Maamulka Jubbaland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have

