daajis.com:- Laba ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka, ayaa waxaa lagu waayay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Tuulo Barwaaqo, oo qiyaastii 18km u jirta Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbaaharey
Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay dagaal kulul ku galay deegaankaasi, inkastoo muddo ka dib, dib looga saaray, ka dib markii iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Militariga Somaliya.
Khaliif Nuur Xiirey (Goobe) oo ka tirsan Saraakiisha Militariga Somaliya, ayaa qiray in dagaal hubka cul culus leesku adeegsaday uu labada dhinac ku dhex maray Tuulo Barwaaqo.
askar-baydhabo-12Sarkaalkan, ayaa xaqiijiyay dagaalka inay ku waayeen laba ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka, kuwaa oo sida uu sheegay aan illaa iyo hadda geeri iyo nololba lagu hayn.
Mar uu ka hadlaayay khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray dhinaca Shabaabka, ayuu tilmaamay inay arkayn meydadka shan nin oo Shabaab ah iyo dhaawacyada tiro kale. In khasaaraha uu u bato dhanka Shabaabka, ayaa wuxuu sabab kaga dhigay, iyadoo Shabaabku ay weerar ahaayen.
Ciidan gurmad ahaa oo saakay ka soo ruqaansaday Magaalada Garbahaarey, ayaa baadigoob ugu jira labada askari ee nolosha iyo geeridaba lagu la’yahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:02 and have

