Aabe wiilkiisa ku daldalay Kismaayo kadib markii uu maaro u waayay dhibkiisa

Aabe wiilkiisa ku daldalay Kismaayo kadib markii uu maaro u waayay dhibkiisa

daajis.com:- Arintan oo aad looga naxay ayaa,  Aabaha wiilkiisa dilay, uu maara u waayay dhibaatada wiilkiisa uu ku haayay dad badan oo kasoo dacwooday, una sii dheereed caasinimo iyo war maqal la’aan.

Wiilka oo isna lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Cabdulle Karaafa, da’diisana aheyd 19-sano, kaasoo dadka ay sheegeen inuu aabahiis aad u dhibi jiray, dadkana dhibi jiray, dhowr marna aabihiis looga dacwooday, isagoo dadka la dagaali jiray.

Aabaha ayaa go’aankaan adag qaatay markii uu maareyn waayay dacwooyin fara badan oo wiilkiisa kasoo gaartay dadka xaafada iyo dhalinyarada deegaanka, wuxuuna ugu danbeyntii sababsaday gacanta aabihiis in uu ku baxo wiilkaan.

Suufi Luubaan oo ka tirsan dariiqada suufiyada ayaa miirkiisa yahay mid taam ah, wuxuuna dhex fadhiyaa gurigiisa sida ay sheegeen ehelada iyo dadka deriska la ah isagoo weliba ku qanacsan go’aanka uu wiilkiisa isku dhaafiyay.

Maamulka Kismaayo wax tallaab ah oo ay u qaadeen aabaha wiilkiisa dilay ma jirto, maadaama wiilka uu ahaa heera dhib.

Waa arrin dad badan ay ka argagaxeen, waxayna arrintan ay tahay mid geesinimo leh oo Aabahaan isaga badbaadinayay dhibaato kaga imaan kartay wiilkiisa oo dadka dhibay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada