Sir Alex Ferguson Oo Shaaca Ka Qaaday Tababarahii Uu Doonayay Inuu Ka Badalo Shaqada Man United, Waa Kee?

Sir Alex Ferguson Oo Shaaca Ka Qaaday Tababarahii Uu Doonayay Inuu Ka Badalo Shaqada Man United, Waa Kee?

daajis.com:-  Sir Alex Ferguson ayaa ka dhawaajiyay in Pep Guardiola uu diiday fursad uu usoo bandhigay kuna damacsanaa inuu ka badalo xilka tababaranimo ee Manchester United sanadkii 2013.

Ferguson ayaa soo afjaray 26-sano oo uu ku sugnaa Old Trafford dhamaadkii xili ciyaareedka 2012-2013, balse waxaa badalay David Moyes oo aan wax badan kusii raagin.

Kaliya 27-guul ah oo uu u hogaamiyay Man United 51-kulan oo u hayay xilka tababaranimo in ka yar 12-bilood kuma guuleysan inuu sii wado kooxda madama laga raacdeeyay, balse Ferguson ayaa buugiisa cusub ee “Leading” ku shaaciyay in Moyes uusan aheyn dooqiisa koowaad.

“Waxaan casho kula qaatay Pep Guardiola magaalada New York sanadii 2012, balse markaas uma gudbin wax qorshe ah sababtoo ah inaan howl gab noqdo kuma aanan fikireyn waqtigaas” Ayuu Ferguson yiri.

“Guardiola wuxuu koobab kula guuleystay Barcelona, waxaana u tixgelinayay si weyn, waxaan weydiistay Pep inuu isoo waco ka hor inta uusan aqbalin dalab koox kale, balse ma uusan sameyn wuxuuna ku biiray Bayern Munich”

Sidoo kale Ferguson ayaa qiray in Mourinho uu qorshaha ugu jiray balse uu balan la galay Abramovic, sidoo kalana Louis Van Gaal ayaa ka mid ahaa oo isna Holland ay qaadatay si uu Koobka Aduunka ugu qaado.

Ugu dambeyntiina Ferguson ayaa ka dhawaajiyay in Jurgen Klopp uu markaas qorshaha isna ugu jiray balse uu ahaa mid ku faraxsan Signal Idun Park.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada