Aqriso Iran oo soo bandhigtay dadka uga dhintay Xajka iyo Ayatollah Ali Khamenei oo si adag uga hadlay

Aqriso Iran oo soo bandhigtay dadka uga dhintay Xajka iyo Ayatollah Ali Khamenei oo si adag uga hadlay

daajis.com:- Ayatollah Ali Khamenei oo ah Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan, ayaa sheegay in Khasaarihii soo gaaray Xujeyda ay masuuliyadeedu qaadi doonto Dowlada Sacuudiga.

Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Dowlada Sacuudiga ay dayacday nidaaminta Xujeyda, sidaa awgeedna ay iyada taxamuli doonto Musiibadaasi dhacday.

Waxa uuu sheegay in 131 ka mid ah Xujeyda Geeriyootay ay u dhasheen Iran, sidoo kalena ay shilkan uga dhaawacmeen in ka badan 60 Xaaji oo Iiraaniyiin ah.

Khamenei ‘’Dowlada Sacuudiga waxaan uga fadhinaa inay si ganbasho la’aan ah u aqbasho masuuliyada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Xajka’’

Inta la ogyahay ayaa waxaa Shilkaasi ku dhintay 717, iyadoo ay ku dhaawacmeen 863 oo kale, kaddib markii ay Dadkan isaga Hor-yimaadeen Dhagax-tuurka Sheydaanka oo ka dhacda Minna.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudiga ayaa iska fogeysay Masuuliyada Musiibadii ka dhacday Xajka.

Waxaa wali suuragal ah in tirada dhimasho ay intaa kasii badato, waxaana laga deyrinayaa qaar kamid ah dhaawacyada yaala Xarumaha Caafimaadka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada