Daawo Muuqaal :-Fanaanada Soomaaliyeed ee Farxiyo Kabayare oo sheegtay in warar been abuur ah laga faafiyay!!

Daawo Muuqaal :-Fanaanada Soomaaliyeed ee Farxiyo Kabayare oo sheegtay in warar been abuur ah laga faafiyay!!

daajis.com:- Fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah ee lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cabdulle ( Farxiyo Kabayare ) ayaa waxaa ay beenisay oo ayna wax kama jiraan ay ku tilmaantey warar been ah oo ay ka qoreen qaar ka mid ah Websitayada Soomaalida 

Fanaanada Soomaaliyeed Farxiyo Maxamed Cabdulle ( Farxiyo Kabayare ) ayaa waxaa ay sheegtay inaysan waxba ka jiran warar sheegaayo inay geeriyootay kuwaas oo lagu faafiyey qaar ka mid ah bogaga Soomaalida, Fanaanada ayaa waxay sheegtay inay teleefano ay ka heshay qaar ka mid ah qoyskeeda iyo asxaabteeda oo wel welsan ka dib markii ay aqriyeen aqbaartaas ku saabsan inay geeriyootey iyadoona sheegtay inay la yaabtay arintaas. 


Ugu dambeyntiina iyadoo Fanaanada Caanka ah ee Farxiyo Maxamed Cabdulle ( Farxiyo Kabayare ) ay waxba kama jiraan ay ku tilmaamtey wararkaas beenta ah ee laga faafiyey ayey Fanaanadu waxay sheegtay inay la yaaban tahay waxa ku kalifay cidaas ka faafisay hadalkaas naxdinta leh ee beenta ah iyadoona sheegtay inay dadka qaar ka ma qashay inay Irsaaqada ay meeshaas gashay laakiinse ay iyadu fahansanayn sida wararkaas beenta ah wax looga helo, Qaar ka mid ah Websityada Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii dambe ayagoo xoogaa Shilimaad ah ku raadinaayo waxay caadeysteen warar been abuur iyo Lugooyo ah inay ku qoraan bogooda iyadoo sidoo kale ay horey u qoreen qaar ka mid ah Websityada Soomaaliyeed inuu geeriyooday Fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samater. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada