daajis.com:- Ciidamada Nabadgalyada Wadooyinka (Taraafiko) ayaa isku fidiyay inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada markii hore ka howlgali jireen wadooyin kooban oo katirsan Caasimada Muqdisho.
Wadooyinka kuyaala inta badan Deegmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu arkayaa ciidamo taraafik ah oo taagan halkaasina kawada shaqooyinkii loogu tala galay ee ahaa hagista gaadiidka iyo sidoo kale in la qabto gaadiidka aan sharciga laheyn iyo darawalada aan heesan ruqdasa wadista gaadiidka.
Taliyaha Howlgalada Ciidamada Taraafikada Muqdisho Baakay ayaa sheegay in Ciidamada Taraafikada ay har iyo habeen u taagan yihiin wadooyinka Muqdisho sidii ay u hagi lahaayeen gaadiidka, si loo yareeyo shilalka ka dhaca Wadooyinka.
Mr Baakay ayaa xusay in Ciidamada sidoo kale ay u taagan yihiin sidii loo qaban lahaa darawalada aan heysan leesinka iyo gaadiidka aan laheyn buugaagta lahaanshiyaha, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada ay dadka ula dhaqmana si aad u wanaagsan.
”Ciidamada Taraafikada waxa ay ka howlagalaan inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho ,halkaas ayeyna habeen iyo maalin u taagan yihiin ciidanka iyaga oo gudanaya waajibadakooda, ciidamada wax dhibatao ah uma geestaan wadayaasha gaadiidka , waxaana la marsiiyaa sharciga qofkii qaladaad sameeya, ama aan heesan leesinka gaariga lagu kaxeyn karo ” Ayuu yiri Taliye Baakay.
Taliyaha ayaa sidoo kale cadeeyay in dadku hada fahmeen dowladnimada iyo nidaamku waxa uu yahay, waxa uuna sheegay in badi darawalada ay heestaan leesinka wadista gaadiidka sidoo kale baabuurta ay yihiin kuwa leh buuga lahaanshaha , waxa uuna ugu baqay darawalada kale in sharciga maraan ayna qaataan leesinka .
Ciidamada Taraafikada ayaa mudooyinkii dambe ahaa kuwa howlagladooda uu ku ekaa wadooyin aad u kooban oo katirsan Magaalada Muqdisho, hasa ahaatee mudooyinkii dambe ayaa ciidamada lagu faafiyay inta badan wadooyinka Muqdisho iyagana halkaasi u jooga kala hagida gaadiidka iyo ilaalinta shuruucda wado marista.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:02 and have
, Published at