daajis.com:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Dalka Talyaaniga.
Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’izul Wasaaraha Xukuumada, Xubno katirsan labada Golle ee Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdiga lasocda ayaa la filayaa saacadaha soo aadan in ay gaaraan Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga , halkaas uu kaga qeyb galayo Madaxweynaha bandhiga carwada caalamiga ah oo muddo lix bil ah ka socotay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.
Bandhig carweedka ayaa waxa ku jira madal loogu magac daray madasha maalgeshiga Soomaaliya, taasi oo ku beegan maalinta beri ah, waxaana sidoo kale jiri doona maalin gaar ah oo ay leedahay Soomaalida, isla markaana lagu soo bandhigi doono waxyaabaha ay caanka ku tahay Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan ganacsato Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu joogo dalka Talyaaniga la kulmi doona Masuuliyiin kala duwan uu ku jiro Madaxweynaha Dalka Talyaaniga ay kawada hadli doonaan xariirka labada wadan iyo sidii Talyaaniga gacan u siin lahaa dowlada Federaalka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:03 and have
, Published at