Diyaarado Helicopter oo baadigoob ugu jira askar lagu la’yahay weerarkii Janaale

Diyaarado Helicopter oo baadigoob ugu jira askar lagu la’yahay weerarkii Janaale

daajis.com:- Askar fara badan oo ka tirsan AMISOM ayaa lagu la’yahay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Janaalle, halkaasoo looga laayay in ka badan 50-askari.

Ciidamo fara badan AMISOM ayaa bilaabay in ciidamada la la’yahay ka baadigoobaan wabiga jiinkiisa iyo deegaanada ku dhow dhow Janaalle.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada la la’yahay ay ku dhow yihiin afartameeyo, kuwaasoo qaarkood shalay gelinkii dambe la helay.

Dadka deegaanka Janaale ayaa sheegay in diyaarado helicoptero oo baadigoob ugu jira ciidamadaas ay dul heehaabayaan deegaanada u dhow dhow Janaale.

Sidoo kale Ciidamada ayaa dadka deegaanka weydiiyay inay arkeen ciidamo nool ama kuwa dhintay, waxaana baadigoobka qeyb ka ah meydadka askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay weerarkii shalay.

Goob joogayaal ku sugan Janaale iyo diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa xaqiijinaya in ka badan 50-askari ka tirsan Ciidamada AMISOM agu dilay weerarkii shalay.


Meydadka saddex ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa lagu arkay Tuulada Gaywarow, kadib markii ay wabiga ku qaraqmeen, waxaana la sheegayaa inay jireen ciidamo wabiga isku tuuray markii weerarka bilowday.

AMISOM ayaa wali shaacin khasaaraha ka soo gaarin weerarka, hase ahaatee Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in askar fara badan oo kontameeyo kor u dhaafeysa ku dileen.

Xerada la weeraray ee AMISOM ayaa ku dhoweyd agagaarka Wabiga Shabeelle ee mara deegaanka Janaale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada