daajis.com:- Waxaa La soo sheegayaa in Dalka Yemen lagu arkay Ciidan Soomaali ah oo wata tuutaha Dalka Emirate-ka Carabta, Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka barbar dagaalmayaa kuwa imaraadka Carabta oo ku sugan Gudaha Dalkaasi Yemen.
Ciidamadan ayaa Waxaa markii ugu horeysay lagu arkay Gobolka Marib ee dalka Yemen sida ay qoreen Jaraa’idada ka soo baxa Dalkaasi Yemen.
Warbaahintu waxay tebisay askartan inay xiran yihiin dareyska Ciidanka Emirate-ka Carabta, isla-markaana ay yihiin kuwo lagu soo tababaray dalkaasi.
Somalida kunool Magaalada Sanca ayaa walaac xoogan ka muujiyay aritani, waxaana la ogyahay in weli Xoogaga Xuuthiyiinta ay gacanta ku hayaan Magaaladaasi.
Dahabo Cabdi Faarax oo ah Madaxa Guddiga Qaxootiga oo ku sugan Magaalada Sanca, ayaa waxay sheegtay arrintan inay cabsi badan u keentay Somalida iyadoo sheegtay in Somali badani ku go’doonsan yihiin Magaaladaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have

