daajis.com:- Xukumaada Eritareeya ayaa Itoobiya ku eedeesay in ay tumeyso durbaan colaadeed. Xukumaada Asmara ayaa sheegtay in Itoobiya, gaar ahaan xisbiga TPLF, ku hanjbtay in ay ku duuleyso Eritrea.
Wasaarada warfaafinta ee Eritareeya ayaa xaqiijisay in hadalo hurinaya colaad iyo hanjabada dagaalka ee ka soo yeedheysa Itoobiya ay cirka isku shareereen. Wasaarada ayaa xustay in hanjbadaha ka soo yeedhaya xisbiga TPLF ay noqdeen wax caadi ah, balse ay kor u kaceen toddobaadyadaii ugu dambeeyey.
Wadamada Eritareeya iyo Itoobiya ayaa fooda isku-galiyey colaad sababtay khasaare badan oo ka dhalatay dhulka xadka ah ee lagu muransan yahay.
Itoobiya ayaan wali wax jawaab ah ka bixin eedeynta Eritareeya, laakiin xukuumada Addis Ababa ayaa hadda ka hor eedeymaha noocaas oo kale ah ku tilmaantay dacaayad.
Warbixinta wasaarada warfaafinta ee Asmara ayaa lagu xusay in Itoobiya maciinsaneyso khidado lagu cabsigaliyo Eritareeya oo ay ka mid yihiin in Itoobiya xitaa ayna la gaban in ay sheegato in Maraykanku u fsaxay in la ay weerarto Eritareeya.
Xukumaada Asmara ayaa la daala-dhacaysa kumaakum dhalinyaro ah oo dalka ka qaxaya kuwaas oo la rumaysan yahay in ay baxsanayaan xukunka qalfasan ee ka jira dalkaas.
Waxaa xusid mudan, in labada wadan ku dagaalmeen xadka kala qaybiya intii u dhaxeysay 1998 -2000.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have
