daajis.com:- Dowladaha Qaliijka ayaa bilaabay inay ciidamo u diraan dalka Yemen, kadib markii ay xaalada dalkaasi kasii dartay.
Dowlada dalka Qadar ayaa iyadana Ciidamadii ugu horeeyay oo kun gaaraaya u dirtay dalka Yemen, ciidamadan ayaa ka qayb qaadan doona dagaalka lagula jiro Jabhadda Shiicada ah ee Xutiyiinta, kuwaas oo xoog xukunka kaga tuuray madaxweynihii dalkaas ee Abdi Rabbuh Mansur Al-Hadi.
Ciidamadan ayaa ah kuwo ku qalabaysan laba boqol oo gaadiidka qufulan iyo soddon xabo oo helicoptero ah, si ay qayb kaga noqdaan dagaalka ballaaran ee lagula jiro Maleeshiyada Shiicada Yemen.
Telefishinka Aljazeera, ayaa baahiyay askarta reer Qatar inay gaareen Gobolka Marib, isla-markaana ay ku biireen isbahaysiga uu hormuudka ka yahay Sacuudiga, ee Gobolkaasi kula dagaalamaya Xuuthiyiinta.
Hoos ka Daawo
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at