Mareeykanka oo dib usoo celiyay howlgaladii Soomaaliya

Mareeykanka oo dib usoo celiyay howlgaladii Soomaaliya

daajis.com:- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Mareeykanka, ayaa si rasmi ah loogu shaaciyay bilawga howlgalada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa lagu sheegay in howl-galkan cusub uu sawir ka bixinayo sii wadista dadaallada dowladda Mareykanka ay dib ugu soo celineyso xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, tan iyo markii ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda federaalka Soomaaliya, 17-kii bishii January ee 2013.

Xafiiska Howl-galka Dinlomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa waxaa saldhig u noqon doona safaaradda Mareykanka ee Nairobi, waxaana madax u noqon mas’uul xilkiisu yahay Arrimo Fuliye, inta madaxweyne Obama uu ka magacaabayo, islamarkaana aqalka senate-ka ansixinayo Safiir buuxa oo Mareykanka u joogi doona Soomaaliya.

Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxa ay dib u billaabashada howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ku qeexday tallaabo loo qaaday dib u unkidda joogitaankii Mareykanka ee Soomaaliya, sida uu shanti bishii May ee sannadkan ku dhowaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka John Kerry, oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sii wadi doona socdaallada ay ku tagi doonaan Soomaaliya si ay shaqooyinkooda rasmiga ah u gutaan, sida ay hadba xaaladda ammaan u ogolaato, sida ay sheegtay Wasaarradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka.

Xigasho: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada