Gen. Gabre oo la kulmay Odoyaasha dhaqanka Bay & Bakool

Gen. Gabre oo la kulmay Odoyaasha dhaqanka Bay & Bakool

daajis.com:- Gen. Gabre oo Itoobiya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Baydhaba kula kulmay Odoyaasha dhaqanka Bay iyo Bakool.

Wafdi uu hogaaminayo Gen. Gabre oo ka socda IGAD ayaa magaalada Baydhaba kula kulmay Odayaasha dhqanka iyo Shariif Xasan ayaa u yeeriyay qorshaha soo socda:
Seminaar loo qabanayo odayaasha dhaqanka saddexda Gobolka Golaha ay leeyihiin ee ka kooban 41 xubnood.

Macalimiinta in laga keenayo Nairobi

In xildhibaanada la soo xulayo aysan noqon wadaado ama xubno lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab.
In ka hor 15-ka September lagu soo dhameeyo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed
In 15-17 September la isu keeno xildhibaanada laguna qabto shirarka ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub

In 20 September la dhaariyo xildhibaanada Koonfur galbeed, isla markaana uu doorto guddoomiy KMG.


Liiska amarrada IGAD ayaa la sheegay inay ka fuli doonaan Baydhaba, iyadoo seminaarka loo furayo Odayaasha dhaqanka uu furmi doono.

Tirada xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa loo qoondeeyay inay gaarto 105 xubnood oo 95 xildhibaan oo ka mida laga soo xulayo degmooyinka, halka 10 xildhibaan la siiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan si loogu qanciyo beelaha aan odayaasha rasmiga ah ku lahayn saddexda gobol ee Sh/hoose, Baay iyo Bakool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada