Daawo:- Maamulka Galmududg oo Ciidamo Geeyay Godinlabe iyo Xiisado halkaa ka Taagan

Daawo:- Maamulka Galmududg oo Ciidamo Geeyay Godinlabe iyo Xiisado halkaa ka Taagan

daajis.com:- Maamulka Galmududg ayaa Ciidamo farabadanoo soo dhoobay deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuna yaallo inta u dhaxeysa Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Arintaan ayaa waxay timid kadib markii dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu shalay ka dhacay Magaalada Caabudwaaq, welina dagaalka uu ka taagan yahay Magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada Booliska deegaanka Godinlabe Maxamed Ciise Nuur ayaa sheegay ciidamadaan la geeyay Godinlabe in looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka Magaalada, wuxuuna sheegay xalay inay bandoow ku soo rogeen deegaankaasi.

Taliyaha Booliska Deegaanka Godinlabe ayaa sheegay in bandoowga Magaalada lagu soo rogay uu socon doono muddo 15 cisho ah, xilliga habeenkiina bandoowga si rasmi ah u dhaqangelidoono, waxaana ujeedada bandowgu ay tahay sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.



Ciidamada la geeyay Magaalada ayaa Koontaroolo ka sameystay duleedyada Magaalada si ay halkaasi amniga uga xaqiijiyaan.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe inay iyaguna ciidamo soo tubeen deegaanka Maraarguur oo ka tirsan isla Gobolkaasi, una dhaxeeysa Cadaado iyo Magaalada Dhuusamareeb

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada