Kooxo hubeysan oo macalin Iskuul ku dilay Dharkeenleey

Kooxo hubeysan oo macalin Iskuul ku dilay Dharkeenleey

daajis.com:-   War naga soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in kooxo ku hubeysan Biskoolado ay saakay macalin Iskuul ku dileen degmada Dharkeenleey.

Macalinka la dilay ayaa caan ka ahaa degmada Dharkeenleey, waxaana dilkiisa uu ka dhacay Xaafada Mac-macaanka.

Macalinkaan oo magaciisa lagu sheegay Caano-Geel, ayaa waxaa toogtay 2 wiil oo dhalinyaro ah oo Biskoolado ku hubeysan.

Allaha Unaxariistee macalinka ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Isboortiga ee Degmada Dharkeenleey.


Sida caadada iska ah ciidamada degmada ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay, mana u suurta gelin ineey soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashi dilka fuliyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada