daajis.com:- Isticmaalka maandooryiaha Khamriga ayaa caadi ka noqotay magaalada Muqdisho mudooyinkii u danbeeyay, iyadoo ay jiraan goobaha ganacsi ee lagu iibiyo oo aad loo ilaaliyo, kuna xeran yihiin xubno ka tirsan saraakiil ciidamada Dowladda,Xildhibaano iyo Wasiiro balwada dilooday.
Hoteelada Muqdisho qaarkood iyo Baarar ku yaal xeebta Liido ayaa si caadi ah lagaaga iibinayaa noocyada kala duwan ee Khamriga, sida Beer, Gin oo ah nooca Alcoholada ku badan tahay iyo noocyada kale, waxaana baararkaasi ilaalo xoogan ka haayo ciidamo hubeysan oo ka tirsaneyn Dowladda iyo kuwo gaar ah.
liido-sea-foodGoobaha sida daran looga cabo ayaa waxaa ka mid ah Baararka ku deedsan xeebta Liido, wadada Maka Al-Mukarama, wadada Airpor-ka xaafadaha degmada Xamar Weyne iyo Shangani oo habeenkii aad u mashquulsan.
Baararka lagu isticmaalo khamriga. macaamiisha waxay u diyaariyaan shiishado iyo kooxo muusik u garaaco hadaaneyn laheyn koox muusik u garaaco, waxay u diyaariyaan sameecado waaweyn oo muusik cod dheer ka baxaya, hase yeeshee marka la gaaro 12 habeenimo soo buux dhaafiyo hoteelada iyo baararka, ganacsato jeeb yar oo wata gawaarida raaxada kuwaasoo si dhuumaleysi u iibiya khamriga , intii isku sheega waxay isla wadaagaan fuuqsiga biyaha kulul
Xiliga danbe ee habeenkii marka la gaaro ayaa waxaa magaalada ku arkeysaa Rag iyo Dumar wada sarqaansan oo gaadiid ku wada socda, kuwaasi oo halis ugu jira in ay waxyeelo kasoo gaaraan ciidamada amniga ee wadooyinka Muqdishu daadsan.
Inta badan dadka sarqaansan wxaa daabula Bajaaj oo geeya meelaha ay degan.
Dowladda Federaalka Somalia iyo hay’addaha amniga ayaa maareyn waayay kooxaha ka ganacsada Khamriga, maadaama xubno ka tirsan Dowladda oo intooda badan ay isticmaalaan, haba ugu badnaadaan mas’uuliyiinta qurba joogta ee xilalka ka qabtay Dowladda.
Laamaha amniga ayaa dhowr jeer isku dayay inay xakameeyaan Khamriga soo gelaya dalka, laakiin u suurageli weyday, maadaama ciidamada AMISOM, Khamriga ugu badan uu usoo dego, siina iib geeyaan.
Waxaa kaloo uu Khamriga ugu badan Muqdisho ugu yimaadaa xuduudaha Itoobiya sida Gobolka Mudug oo lasoo marsiiyo Gaalkacyo iyo Wajaale.
Al-Shabaab ayaa dhawaan digniin ay soo saartay ugu digtay dadka shacabka ah in aysan u dhawaan hoteelada iyo goobo ay sheegeen in uu ka socdo fiqsi.
Dekada Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadn Cadde ayaa lagu qabtay dhowr tan oo Khamri ah oo ganacsayo Soomaaliyeed u rarneyd, laakiin laga beerdaerayeey furdahaaa
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:29 and have
, Published at