daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa amar ku bixisay in shacabka ku nool kaymaha Booni ee degmada Lamu isaga guuraan ka hor inta uusan bilaabanin howlgal militari oo balaaran oo dowlada Kenya la damacsan tahay in kaymaha Booni kaga sifayso kooxda jeesji Ayman oo ah katirsan ururka Alshabaab.
Shacabka ku dhaqan agagaarka kaymaha Booni ayaa amarka dowlada Kenya ka horyimid waxayna ku doodeen in nolal maalmeedkoodu uu ku xidhan yahay dhulka kaymaha sidaas darteedna ysan guuri karin.
Lama oga in dawlada Kenya arintan wada xaajood ka geli doonto iyo in xoog ay adeegsan doonto.
Dowlada Kenya ayaa shacabka ku nool agagaarka kaymaha Booni ku eedaysay inay gabaad,dawo iyo raashiin siiyaan Alshabaab oo deegaanadaas weeraro badan ka gaystay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at