Duqa Muqdisho Muungaab oo xabsiga dhigay Ganacsade caan ah

Duqa Muqdisho Muungaab oo xabsiga dhigay Ganacsade caan ah

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta goobtiisa ganacsi kaxeysteen Ganacsade Xuseen Cali Nuur oo la dhashay Ganacsade Xasan Warsheekh, waxaana ciidamada nabadsugida ay albaabada isugu dhufteen Bakhaar uu ku lahaa Suuqa Bakaaraha.

Ganacsade Xuseen Cali Nuur oo amar kasoo baxay Muungaab lagu xeray

Ganacsade Xuseen Cali Nuur ayaa waxaa la dhigay xabsiga godka Jilacow, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan xarigiisa.Sida ay xaqiijinayaan xubno ku dhow xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ay inoo xaqiijiyeen, waxaa xariga mas’uulkaan bixiyay Muungaab iyadoo aan la ogeyn sababta uu amarkaasi uu bixiyay iyo in xabsiga la dhigo ganacsadahaasi.

Ganacsadahaani oo ka soo jeeda heyb ahaan beesha Cosoble Celi ayaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshaasi ay wadaan shirar ay ugu hadlayaan sababta mas’uulkaasi xabsiga looga taxaabay.muunka


Muungaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay lagu eedeynayay inuu isticmaalo awooda xileed ee uu ku magacaaban yahay, iyadoo hadda uu dhex fadhiyo fadeexadii ka dhalatay Col. Xaashi Bulxan Furre oo isagoo ilmeynaya ku eedeeyay Duqa Muqdisho inuu gurigiisa ka saaro oo xili habeen ah bannaanka la dhigo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada