daajis.com:- Axmed Cali Daahir, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa markii ugu horeeysay maanta si kulul uga hadlay dhulalka laysku haysto magaalada Muqdisho iyo sida ay Maxkamaduhu u xukumaan.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Maxkamadaha dalka ka jira ay sidii ay doonaan u fuliyaan xukunada la xiriira muranada dhulalka, sidoo kale waxa uu ciidamada Booliska ku eedeeyay ineey si awoodooda ka baxsan oo sharci darro ah shacabka uga kiciyaan dhulalka.
“Maxkamaduhu sidii ay doonaan ayay xukunada u ridaan, sidoo kale maamulka G/banaadir awoodiisa waxay ahayd inuu wax kala cadeeyo, gaar ahaan Dukumiintiyada sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahayn, laakiinse waxay bixiyaan amarada lagu bur burinaayo dhulalka’ ayuu yiri xeer ilaaliyaha Qaranka.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inaan si aan sharci ahayn loo fuliyo amarada kasoo baxa Maxkamadaha, waxaana uu Makamadaha ku eedeeyay ineey soo saaraan amaro farabadan oo kala duwan dhamaantoodna ah kuwo is khilaafsan.
Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha Qaranka, ayaa kusoo aadaya xili ay magaalada Muqdisho ka taagantahay qadiyada la xiriirta Kiiska Korneyl Xaashi Furre, oo ah darawalka R/wasaaraha kaasoo sheegay in Guri uu lahaa xoog looga soo saaray.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have

