daajis.com:- Haweeney Mareykan ah ayaa xaqiiqsatay Hagar-daamo uu ku sameeyay Nin ay Saaxiib la ahayd oo ay Muddo Jacayl la waday.
Qiyaameeynta Ninka ayeey Gabadhani ogaatay markii ay heshay Xisaabkiisa Facebook-ga (Cinwaankiisa) oo furan, halkaas oo ay ku aragtay Gabar kale oo uu la sheekeysanayay.
Laakin markii ay arrintaas aragtay aad beey u carootay waxayna ku dhaqaaqday arrin culeeys badan saartay Ninkii ay Jecleeyd!!
Fariin ayeey uga tagtay, iyadoo u sheegeeysa tallaabooyin ay qaaday si ay u marsiiso Ciqaab uu ku muteeystay Hagar-daamada.
Fariinta oo ah tan Qoraalkan la socota ee Sawirka u ah ayaa sida aad ka aqrisan kartaan waxay Gabadhu ugu sheegtay Ninka inay ogaatay Inan la yiraa Kelsi oo uu Saaxiib la yahay.
Waxay kaloo u sheegtay inay ka qaadatay dhamaan Dharkiisa, Waxyaabihii kale ee u gaarka ahaa sida Video-Game, Sawirro iyo wax kasta oo Qolkiisa u yaalay.
Fariinta ayeey sidoo kale ugu sheegtay inay tani tahay Ciyaar ay isaga la dheeleeyso si ay u tusiso waxa uu ku dhaqaaqay iyo jawaabta uu mudanyahay.
Hadii aad Dharkaaga u baahato waxaad ka heleysaa halka ugu horeeysa ee aan ku kulmi doonno. Qalabkaaga Ciyaaraha ee Video-Games-kana wxaad ku arki doonaa meesha aanu isku dhunkan doonno marka aan kulanno. Cinwaankaaga gaarka ahna waxaad ku heleysaa halka aynu ka iibsano Ciyaar Video-Game ah.waxa soo haray oo Alaabtaada ah sida Sawiradii aan Labada Sano soo wada galeeynay, waxaan u diray Guriga Saaxibtaa kale ee Kelsi sidaas ayeey ku sheegtay Fariinteeda.
Waxay ku gaba gabeeysay Fariinteeda iyadoo leh Ku raaxeeyso Ciyaartan cusub. Waxaadna ogaanaysaa inaanan anigu burburin wax ka mid ah Alaabtaada, hase yeeshee isla markaas kuuma xaqiijin karoinay jirto qof kuu ilaalinaysa Alaabtaas. Nasiib wacan…
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at