daajis.com:- Waa qormooyin iyo Xikmado Jacayl ah oo xusuus gaar ah leh, kuwaas oo ku saabsan hab dhaqanka wanaagsan ee looga baahan yahay Lamaanaha is qaba (Ninka iyo Ooridiisa), iyo doorka dabciga wanaagsan iyo farxadu ay uga qayb qaadataan nolosha Lamaanaha qoyska is qaba iyo carruurtooda.
Ninyahow, murugaysani, ina ma isku dayday in aad si qoto dheer uga baaraan degto waxa kugu keenay murugada,werwerka iyo deganaansho laaanta iyada oo ay barbarkaaga joogto carfigii udgoonaa ee wehelka iyo huga u ahaa mustaqbalka noloshaada oo ah (Ooridaada).
Ogow, hadii Ninku uu si daacad ah u kasbado kalsoonida xaaskiisa,waxa biyo kama dhibcaan ah in Xaaskiisa wanaagsani ay qalbigiisa xasiliso, waxaanay noqotaa hoyga dhoolacadaynta, farxadda, iyo Jacaylka.
Dumarku waa reexaan carfi udgoon leh oo inaga la inoo abuuray oo aynu dhamaanteen u oomanahay.
Murugadda iyo qoomamaddu waxay fogaadaan, nolosha, kalsoonida iyo farxadduna ay soo dhawaadaan marka Lamaanaha is qabaa ay si daacadnimo ah oo isku duubni leh uga wada salgaadhaan saami qaybsiga mustaqbalkooda, ninkuna uu si nafqaybsi leh ula wajaho xaaskiisa mawjadaha xanuunka badan ee baaxaa degaya ee nolosha, si run ah oo aan is yeelyeel iyo masuuliyad daro ku jirina uu ula dhadhamiyo xaakiisa qadhaadhka iyo macaanka nolosha xaalad kasta oo ay ku jiraana isugu samra.
Ninka Ragga ahi waa ninka ooridiisa kula dhaqma hab dhaqan wanaagsan, waa ka ku faafiya farxada, naxariista iyo dhoola cadaynta dhamaan darafyadda gurigiisa, maxaa yeelay malaha wanaagsani waxa uu keenaa in farxada maxabada noloshu ay waarto.
Ha murugoon, ha cadhoon, hadii gurigaaga ay ka dhacaan waxyaabo aanad jeclaysan, tusaale ahaan hadii gurigu aanu habaysnayn, cuntada ay milixdu ku yar tahay ama ay ku badan tahay ama aanay maryahaagu habaysnayn ku hadal kelmado dabacsaanaani ku jirto, waayo hadalka wanaagsani waxa uu dawo u yahay qalbiga xaaskaaga iyo carruurtaada.
Illaahay hadii uu qoys is qaba oo degan guri jeclaado waxa uu ku soo dejiyaa dabacsanaan kalgacal leh oo uu ninku ku soo jiidanayo xaaskiisa.
Gabadhyahay (Xaas), wanaagsani ha noqon il ay ka soo burqato muragadda iyo dhibaatada niyad jabka ku keenaysa Ninkaaga, isku day mar walba in aad ka farxiso oo aad soo jiidato qalbigiisa, maxaa yeelay oorida la qabaa waxay hoy iyo hu u tahay ninkeeda.
Waji furfurnaanta iyo dabacsanaanta farxada leh ee gurigu waxay aasaas adag tiir u tahay midhaha ubad wanaagsan.
Nin xikmad badan ayaa yidhi Ooridu waxay ninkeeda ka doontaa wax kasta, ninkuna waxa uu Ooridiisa ka doonaa oo kaliya dhoollacadayn.
Ooryahay sharafta badan ee la qabaa, ha badinin cabashada xilliyadda uu ninkaagu ka soo galo shaqadda iyo safarka, maxaa yeelay cabashada iyo waji cabuusnimaddu waxay meesha ka saartaa Jacaylka.
Gabadh la qabo ayaa Ninkeedii ku tidhi iyada oo xilli galab ah la joogo Subax Wanaagsan Xabiibi, Ninkiibaa yaabay oo si la yaab leh u eegay xaaskii, waxaanu ku yidhi, Xabiibi, maxaa kugu kalifay in aad igu tidhaahdo subax wanaagsan, inaga oo galab joogna,
Xaaskiisii oo aad u dhoola cadaynaysa ayaa markiiba maskaxdeedu soo tuurtay in galab la joogo oo aanay subax ahayn, sidaa awgeed, iyada oo si daacadnimo iyo maamuus leh uga jawaabaysa suaashii uu saygeedu waydiiyay ayaa tidhi, Xabiibi, nuurka iyo shacniga xad dhaafka ah ee Wajigaaga ka soo burqanaya galabta ayaa ila noqotay in aynu subax joogno, waayo Jamaalka wajigaaga ka muuqdaa waxa uu la mid yahay kii subaxnimada kaa muuqan jiray, waa sababta igu kaliftay in aan ku idhaahdo SUBAX WANAAGSAN.
U fiirso, akhristow, Jawaabta ay bixisay Ooridani, ee ay sida kal iyo laabta ah ugu farxad gelisay ninkeeda.
Gebagabada Todobaadkan iyo Barnaamijkeenan waxaanu idiinku haynaa XIKMADAHAN JACAYLKA AH EE KA BOGO.
– In kastoo aynu wada gabawno, inkasta oo aynu dada isla badali doono, waxaa jira hal wax oo aan is badalayn: Jacaylkeenu wuxuu waligii ahaan doonaa mid ugub ah.
-Jacaylku waxaa uu ku bilaabmaa dhoolacadayn, wuxuu ku koraa dhunkasho, waxaanu ku dhamaadaa ilmo.
-Inanta aad jeceshahay waxaad siisaa laba ubax, mid waxaad ku qortaa Inantii aan jeclaa, ka kalana rafiiqii noloshayda.
-Farxadda noloshu waxaa ay ku dhamaataa wakhti kooban, xanuunkeedu se waxa uu qaataa nolosha cimrigaaga oo dhan.
-Waxaan dareenka ugu fiican dhadhamiyaa marka aad I salaanto, ama aad ii dhoola cadayso, maxaa yeelay waxaan ogahay in il bidhiqsina ha ahaatee aan maskaxdaada ku soo dhacay.
-Waxaynu nahay Laba nafood oo isku fikir ah, iyo laba wadne oo isku garaac ah.
– Qof kasta oo isku daya in uu jacaylka gacmihiisa ku dumiyaa, aakhirka isagaa ku dhaawacma.
-Waxa ugu fiican ee aniga igu saabsani waa adiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:42 and have
, Published at