daajis.com:- Waxaa Magaallada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Somalia kusoo badanaaya Dumarka isticmaala Daawooyinka leysku cadeeyo oo intoodu badan qiimo raqiis ah lagu iibiyo.
Dhakhaatirta Isbitaaladda Magaallada Muqdisho, ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen Xaaladda Caafimaad ee Dumarka Soomaalida ee isticmaala Daawooyinka dhaca.
Dr. Qadar Xassan waxa uu kamid yahay Dhakhaatiirta in badan daaweeyay Boqolaal dumar oo iyagu isticmaalay Daawooyin dhacay oo ay Caalamku usoo dhoofiyeen Dalka Somalia, waxa uuna Dhakhtarka sheegay in bil waliba ay daaweyaan ku dhawaad 300 oo dumar ah kuwaasoo isugu jira kuwa isticmaalay daawoyin dhacay iyo kuwa Duruufo kale sheeganaaya.
Magaallada Muqdisho, ayaa waxa ay la ciir-ciireysaa isticmaalka Daawoyinka dhacay iyadoona aysan jirin Dowlad iska xil-saareysa dhibaatooyinka ay Dowladaha Caalamka ku hayaan Somalia oo ay usoo safriyaan daawooyin dhacay.
Ugu dambeyntii in kabadan 1,300 dumar ayaa waxa ay dilatay isticmaalka Daawooyinka dhaca iyagoona marka dambe kala kulma Caafimaad daro ka soo wajahda Jirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at