daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxa’ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inuu Xilka iska-casilayo haddii aan Wadahadal lagu dhamayn Mooshinada iska-soo Horjeeda. Wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Xaaladda sii cakirmaysa ee dalka sii galayo, isagoo tilmaamay in uu ka daalay, kana Rajo dhigay inuu ku qanciyo Xildhibaanada inay Wadahadal ku xaliyaan Khilaafkooda Iyo Mooshinadooda.
“Dalka Xal uma ahan in Labo Mooshin oo is diidan inta la keeno haddana Waqti kale looga lumiyo dalka & Dowladda, waan ka daalay inaan ku qanciyo Labada dhinac inaysan arintooda Maxkamad la aadin, oo ay dhameeyaan,” ayuu yiri Jawaari.
Jawaari oo Culeys xoogan Labada dhinac kala kulmaya, ayaa wuxuu sheegay in uu Is-casilayo haddii laga gudbi waayo Mashaakilka taagan, si deg deg ahna loo dhamayn waayo Dhibaatada Mooshinada Iska soo Horjeeda. ee midna lagu taageerayo MD Xasan midna la doonayo in Xilka looga rido.
Dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa Wararku ay sheegayaan in uu doonayo in Maxkmada Baaritaano ku samayso Denbiyada ay Xildhibaanada kusoo eedeeyeen, ee ah inuu Musuq-maasuq iyo Qiyaano Qaran sameeyay, si uu Sumcadiisa u ilaaliyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at