daajis.com:- Waa mar kale iyo qeybtii ku caawi talaadada iyo bahda bulsha.com waxa ay todobaadkaan fariin talo raadin ah naga soo gaartay gabar ku sugan dalka Itoobiya , waxa ayna u dhigneyd sida tan.
Mageceygu waa Saafi waxaan ku noolahay Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, aniga waxaan halkaan u joogaa sababo Buufis ah oo waxaa ii soo doodeysa walaashey, dhawaan ayaa waxaa deriskeyga soo noqdey wiil kaas oo isna u yimid halkaan arimo kuweyga la mid ah .
Haddaba isku Flat ayaan daganahey wiilka waa wiil aad u akhyaar ah waxaana igu weynaaday qiimihiisa akhyaarnimo waxaana dareemey in aan jaceyl u qaaday haase ahaatee waxaa arinka ii sii xumeeyey markii gabar ay qaraabo yihiin ii sheegtey in wiilka uu horey xaas u lahaa misana ay joogto xaaskiisa wadanka Somaliya.

Si walbaba jaceylka aan xaggiisa u qabo waxaan ka dareemayaa qalbigeyga waana mid mug weyn, haddaba sideen wax yeelaa ma wiilkaan ayaan ka haraa ugana haraa xaaskiisa darteeda mise waan u bandhigtaa xanuunka i haya ????
Waxana bahda xayaati.com iyo asxabata ku taxan ka codasanayaa in ay igu caawiyaan taladooda waxaa suura gal in aan aragti iyo wax in anfacaya ka helo.
Bahda Xayaati.com ayaa ku siineysa talaadaan gaaban waana filiyenaa in asxaabta kalana iyana ay ku sii raacin doonaan.
Safiyo sideedaba adduunyadu waa sida filim musalsal ah maalinba dhanbuu aadaa Jaceylkuna waa qeyb ka mid nolosha aadanaha wuxuuna soo jiray tan iyo Uumistii Nebi Aadam (CS) iyo Ayeeyo Xaawa waxaana maalinba maalinta kadambeysa sii dhaxlaayey jiilka cusub wuxuuna soo gaarey illaa waqtiga kan iyo in adigana uu ku soo weeraro.
Waxaad nio sheegtey in aad wiilka qalbiga ka jeclaatay misana aadan weli u bandhigin waxaa kaloo aad inoo sheegtey in aad ka yara niyad jabtey markii laguugu yiri xaas ayuu leeyahey wiilka, runtii waxaan ugu horeyn kuu sheegeynaa in caalmakaan uu ka jiro hal dastuur kaas oo ah midka EEBE soo dajiyey dastuurkaas waxaa uu u baneynayaa ruuxa ragga in uu guursan karo ilaa 4 gabdhood (waa haddi uu awoodo misana u kala xaq soori karo) marka adiga waxaan ku leenahey ku qanac xukunka EEBE, tan labaad waxba yeeysan kaa niyad jabinin jaceylkaaga hadalka ah xaas ayuu leeyahey.
Si aad uga guul gaarto jaceylkaaga sameey qodobadaan hoose:
isku day in aad marka hore wiilka u muujiso dareemaha si hoos hoose ah adigoo ku lifaaqaya hadalkaaga iyo dhaqankaaga waliba ka dhig mid labadiina kaliya ah.
Si geesinima leh ugu sheego wiilka jaceylka aad u qabto waxaana laga filayaa in uu kaa aqbalo waayo waa ruux akhyar ah oo dareemi kara nafaha kale dareenkooda
Haddii ku dhaho xaas ayaan leeyahey u sheeg in aad ku qanacsan tahey baneynta uu EEBE ragga u baneeyey xaasaska badan
Dabcigaaga ka dhig mid ku saleysan akhyaarnimo iyo dhaqanka suuban ee gabdhaha Soomaliyeed
Waxaan jeclahey in aad ku dhaqmi doonto taladaan misana ay ku qanac gelisay, waxaan kuu rajeyneyna kheyr iyo guul Insha-Allah.
BAHDA TALA BIXINTA WEBKA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at