Sawirro: Tirada Soomaalida ku dhimatay isbuurashadii Xajka oo sii kordhaysa

Sawirro: Tirada Soomaalida ku dhimatay isbuurashadii Xajka oo sii kordhaysa

daajis.com:- Tirada dhimashada xujeyda Soomaalida ee ku dhintay isbuurashadii ka dhacay shalay magaalada Mina ayaa sii kordhaysa, waxaana inta ilaa hadda la haayo ay gaarayaan Todobo qof oo Seddax ka mid ah ay ka yimaadeen dalka Kenya inta kalena deegaanada Soomaalida.

Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Guddiga Xujeyda Soomaalida oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in todobada ruux ee ku dhimatay shilkaas ay afar ka mid ah ka yimaadeen dalka Kenya, halka saddexda kalena ay dhinaca Soomaaliya ka yimaadeen

“Tirada aan hada heyno ee Soomaalida ku dhintay Isbuurashada waa todobo ruux, waana ka badan kartaa tirada”ayuu yiri Axmed Safiina.

In ka badan todobo kun oo Soomaali ayaa ka mid ahaa Xujeydii sanadkan xajineysay, waxaana ay ka kala yimaadeen dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Guud ahaan tirada dhimashada xujeyda ayaa sii caga-cageyneyso 1020 qof iyo dhaawaca tiro intaa ka badan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada