daajis.com:- Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in hoos loo dhigay qiimaha lagu goosto ruqasadaha ganacsiga ee wadanka.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hoos loo dhigay qiimaha goosashada ruqsada soo dejinta iyo dhoofinta darajada A iyo B.
“Waxaan ka dhinay boqolkiiba 70 leesinka soo dejinta iyo dhoofinta iyadoo markii hore ay ahayd $1,000 (Kun dollar) ayaan laga bilaabo maanta waxa uu noqonayaa $300,”ayuu yiri wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sheegay in leysinka ama ruqsada shirkadaha shisheeye ama kuwa dad badan wada leh laga dhigay $3000(Saddex kun),halka shirkadaha isgaarsiinta, xawaladaha iyo dalladaha jamacadaha ee gaarka loo leeyahay laysinkoodu laga dhigay $5000 (shankun)”.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/maan Cabdi Cismaan ayaa uga digay bangiyada dalka inay xisaabaad(Accounts) u furaan, shirkado ganacsi oo aan iska diiwaan gelin wasaaradda ganacsiga.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa in wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ay hoos u dhigto qiimaha lagu furto ruqsadaha ama shatiyada ganacsi. Hase yeeshee waxaa hore u soo baxayay cabasho ku aadan qiimaha sareeya ee laga qaado ganacsatada marka ay doonayaan in ay qaataan shatiyada ganacsiga ama leysinada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at