Ciidamo diiday in Lasoo galo ama Laga baxo magaalada Garoowe (Faah faahin)

Ciidamo diiday in Lasoo galo ama Laga baxo magaalada Garoowe (Faah faahin)

daajis.com:-Magaalada garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa xidhan labada kaantarool ee laga soo galo lagana baxo ee degmadaasi kadib markii ay xireen ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la,aan.

Gadoodka ay sameeyeen Ciidamadu ayaa waxay sababtay inaysan maanta wax gawaari ah ka bixin kana galin kantaroolada looga kala safro gobolada Mudug iyo Bari waxaana sidookale hakad galay isusocodka Gawaarida ka howlgala Magaalada Garoowe .

Horay ayaa ciidamado gadoodsan sidan oo kale waxay u qabsadeen qaybo kamid ah gobolka mudug kuwas oo fariisino ka dhigtay rumihii ugu muhiimsanaa gobolka Mudug sida Bandhiga iyo kantroolka xarfo oo sidoo kale ay qabsadeen kadibna lagu dhameeyey waan waan iyo waxgarad galay arintaasi.


Ciidamadan gadoodsan ayeysan jirin wax ka hadlay oo dhanka maaamulka ah waxaana sidoo kale jiray warar kale oo sheegayey in Taliyaha ciidamada darawiishta Puntland uu is casilayo hadii aan la bixin mushaarka ciidamada Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada