daajis.com:- Garoonka diyaaraddaha degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan oo shalay shaqo bilaabay ayaa magacii uu hore u lahaa laga badalay, iyadoo loogu magac daray ciidamada Jabuuti ee isku magacaabay Hiil Walaal, kuwaasi oo ka howlgala gobolka Hiiraan.
Tallaabadan ayaa dad badan is weydiinayaan sababta ay ku dhacday, maadaama ciidamada Jabuuti aysan garoonka dhisin, gobolka Hiiraana u joogaan kaliya la dagaalanka Al-Shabaab iyo in ay dhinaca amniga dadka ka caawiyaan.
Haddii si fudud garoomadii dalka iyo goobihii taariikhiga ahaa si fudud loogu magac darayo ciidamo dalka dibadiisa ka yimid, “Maxaa diidaya in ciidamada Itoobiya, kuwa Burundi iyo Kenya loogu magac daro garoomada kale ee gobolada ay ku sugan yihiin?.
Dowladda Turkiga oo dib u dhis iyo dayactirba ku sameysay isbitaalka Digfeer ayaa waxaa loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have




