daajis.com:- Xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab iyo dadka deegaanka ah ayaa ka taagan deegaana Bacaadweyn iyo deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.
Xiisada waxay ka taagan tahay deegaanka ku yaala koofurta gobolka Mudug, waxaana laga baqayaa in dagaalo ka dhacaan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaan u dhaxeeya Camaara iyo Bacaadweyne.
Al-shabaab ayaa Jimcihii la wareegay Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale ay doonayaan in ay qabsadaan Magaalada Bacadweyne.
Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Bacadweyne ayaa sheegay in ay jirto Xiisad islamarkaana Maleeshiyo degaanka ah ay is abaabuleen, kuwaas oo doonaya in ay iska difaacaan Weerar uga yimaada Shabaab.
Sidoo kale Maxamed Axmed Cali ayaa sheegay in wax ka yar 5 KM ay u jiraan Al-shabaab,lana filan karo Dagaal markasta dhaca.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have

