Lacagihii Xawilaadaha ee Soomaaliya loo diri jiray oo si weyn hoos ugu dhacay

Lacagihii Xawilaadaha ee Soomaaliya loo diri jiray oo si weyn hoos ugu dhacay

daajis.com:- Mid ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa sheegtay inay si weyn hoos ugu dhaceen lacagihii xawillaadaha ee loo dirayey Soomaaliya.

Hay’adda OXFAM ayaa sheegtay in sababo badan loo aanayn karo hoos u dhacan oo ay ka mid tahay carqaladihii iska soo daba noqnoqanayey ee adeegga iyo xiritaanka shirkadaha xawaaladaha.

Waxa ay hay’addu sheegtay in 35% dadka aragtida la weydiiyey ee ku nool magaalooyinka ka baxsan Muqdisho ay sheegeen inay hoos u dhaceen lacagihii ay dibedda ka heli jireen.

Qoraal ay daabacday OXFAM America ayaa lagu sheegay in 36 ka mid ah 113 qoys oo la darsay ay sheegeen in adeegayada xawilaadaha ee ka shaqayn jiray waddamada ay ku nool yihiin ay joogsadeen.

Waxay ku baaqday hay’addu inaan carqalad kale loo gaysanin adeegyada xawilaadaha.

Xigasho: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada