Taagerayaasha Horyaalka Ingiriiska Oo Anthony Martial Ugu Codeeyay Xidigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Bisha September

Taagerayaasha Horyaalka Ingiriiska Oo Anthony Martial Ugu Codeeyay Xidigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Bisha September

daajis.com:Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa ku guuleystay abaalmarinta xidiga ugu fiican horyaalka Ingiriiska bisha September codeynta ay sameeyaan Jamaahiirta Horyaalka kadib bandhigii uu muujiyay tan iyo markii uu kooxdana kusoo biiray.

19-jirkaan reer France ayaa noqday da’yarka ugu qaalisan dunida kubada cagta kadib markii uu maalintii ugu dambeysay suuqa ku yimid Old Trafford aduun dhan 36 Malyan Oo Gini, Sadex gool ayuu dhaliyay labadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka iyadoo sidoo kale xidiga garoonka la siiyay kulankii ay Sunderland 3-0 ku garaaceen United.

Weeraryahanka Leicester City Riyad Mahrez iyo xidiga West Ham Dimitri Payet ayaa kula jiray loolanka, balse labadaan xidig ayaa ku waayay abaalmarintaan Martial dartiis.

Bil walba Jamaahiirta Horyaalka Ingiriiska ayaa fursad u hela iney u codeeyaa xidigii ay is leeyahiin wuxuu ahaa kii ugu wanaagsanaa iyagoo ka codeyn kara Skysports.com.


Si kastaba Man United haatan waa kooxda sadexaad ee horyaalka iyadoo aruursatay 16-dhibcood 8-kulan oo ay ciyaartay, Arsenal iyo Manchester City ayaana ka sareaya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada