daajis.com:- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in maanta barqadii uu dagaal ka bilowday agagaarka deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 30-KM u jira magaalada Kismaayo halkaas oo fadhiisin u ah ciidamo milateri ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ka dambeeyey markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay weerareen saldhig ay ciidamadaas ku lahaayeen agagaarka Goobweyn.
C/rashiid Macalin Gaas oo ka tirsan saraakiisha ciidanka milateriga ee ku sugan Goobweyn ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay soo weerareen fadhiisinkooda ayna iska difaaceen.
“Waxaa na soo weeraray ciidamo beeleedka Kismaayo jooga iyo ciidanka Kenya oo is bar bar socda fadhiisamaheena ayey nagu soo weerareen hada xabada waa socotaa waana is difaaceynaa”ayuu yiri sarkaalkan oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho.
Ciidamadan ku sugan deegaanka Goobweyn ayaa ah ciidamadii looga adkaatay gudaha magaalada Kismaayo ee ay hogaaminayeen Korneyl Barre Hiiraale iyo saraakiishii kale ee hore ula dagaalamay ciidamada Axmed Madoobe, waxaana tiro dhowr jeer oo hore la isku dayey in ciidamadan gudaha Kismaayo la keeno si xero ku taal loogu xareeyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have

